LA QABSASHO DHAQANGAL AH
LA-QABSASHADU MA AHA OO KALIYA IN WAX LA BEDDELO, BALSE WAA KARTIDA AAD UGU JAWAABTO SI XARIIFNIMO IYO FIRFIRCOONI LEH, MARKA AYAY XAALADUHU IS BEDDELI KARAAN.
La-qabsashadu micneheedu ma aha in wax la beddelo oo kaliya ee waxa ay ku saabsan tahay fahamka iyo adeegsiga aqoon aan si toos ah qofka loo barin, taas oo sare u qaadaysa kartida wax-ku-oolnimada kooxaha shaqada, falcelinta waqtiyeysan, iyo u furnaanta barasho barasho joogto ah.
Mashruucani waxa uu odorosay dhacdooyinka waxbarasho in ay yihiin fursado Kor u qaadaaya waxbarasho ay hagayso waaya-aragnimo buuxda, isaga oo sahaminaya sida aqoonta qarsoon ay ugu shaqeyso qaabeynta hanaan maamul la qabsan kara isbeddelka.
Hoggaamiyeyaasha hay'adaha ka qeybgale mashruucan ma aysan ahayn kaliya ka-qaybgalayaal balse waxay ahaayeen dad hormuud u ah dhacdooyinka maalin leha ah ee waxbarasho, iyagoo si firfircoon ula shaqeynaya kooxahooda kuna dabaqaya fahamka laqabsiga tooska ah.
Isweydaarsiga aqoonta iyo xirfadaha la dhaqan gelin karo ayaa ahaa udub dhexaadka mashruuca, taasoo muujisay in waxbarashadu aysan ahayn keliya mida si caadi ah loo barto, balse ay tahay wax la adeegsado, si loo helo natiijo la taaban karo.
Hagidda la-qabsiga leh waxay ku lug leedahay dhageysi firfircoon, la-qabsasho degdeg ah, iyo jawaab celin waqtiyeysan — haddii ay tahay dib-u-habeyn qorshe, wax-ka-bedel gudaha fadhiyada, ama maarayn awooda qeybsan, Xalka dhabta ah? In lagu kalsoonaado dadka lala shaqeynayo.
Marka fududeeyaha tababarka muujiyo furfurnaansho xiliga uu wajahayo hubanti la’aan, barashadu waxay noqotaa mid laysku haleyn karo, fahamka la helayna wuxuu isu beddelaa ficil si dabiici ah u dhasha.
Waxbarasho La-qabsi leh
La-qabsigu waa inu uu muujiyaa isbadel iyo dabacsanaan joogto ah oo si degdeg ah ula falgali kara isbeddelada joogtada ah ee dunida.
La-qabsigu ma ahan oo keliya hagaajin, waxaa uu fududeeya ka falcelinta caqabadaha dhabta ah ee nolosha. Waxaa uu keena qiimeyn joogto ah oo ku saabsan wada shaqaynta iyo samaynta isbeddelo macno leh oo ku saleysan caddeymo, waayo-aragnimo, iyo jawaab celin toolmoon, taas oo muujinaysa awoodda aqoonta qarsoon (Tacit Knowledge).
Waxbarasho La Dabaqo
Waxbarashada la gudbiyo waa marka aqoonta cusub iyo xirfadaha la baray lagu dabaqo nolosha dhabta ah taasoo ka dhigaysa waxbarashada mid waxtar leh oo la dareemo ka baxsan goobta tababarka. Ma aha wax ka dhaca qolka keliya — waa in waxbarashadu noqoto mid la dhaqangeliyo oo isbeddel keenta.
Fududeeyuhu tababarka ma ogaan karo si buuxda waxa qof walba baranayo, balse waxa uu sameyn karaa tababar si fiican ugu habboon xaqiiqada nolosha baranayaasha.
Fahamkan ayaa lagu dhex dhisay hanaanka Aqoonta Qarsoon iyo Barashada Laqabsanaysa, iyadoo kooxaha iyo hoggaamiyeyaasha la hagayay si ay u doortaan mowduucyo waxbarasho oo la xiriira dantooda iyo duruufahooda ka baxsan mashruuca laftiisa.
Marka ururradu abuuraan jawi sax ah, aqoonta iyo aragtiyaha lama sii haysto oo kaliya maskaxda qofka — waxay si dabiici ah ugu faafaan kooxaha, iyaga oo qaabeeya go'aammo wanaagsan oo horseeda isbeddel muuqda.
Tani waxay suurta galaysaa marka hoggaamiyeyaashu abuuraan fursado waxbarasho, kooxuhuna ay ku dhex daraan ka-fikir joogto ah howlmaalmeedkooda, halka shaqsiyaadkuna ay horumariyaan kalsoonida ay ku leeyihiin in ay su’aalaan waxyaabaha la aaminsan yahay oo ay adeegsadaan khibradooda dhabta ah.
Horumarinta awoodaha hagista, dhiirrigelinta, iyo hagida xirfadeed waxay xaqiijineysaa in waxbarashadu ay noqoto qaab lagu shaqeeyo, ma aha fikrad laga hadlo kaliya.
“Xirfadda ugu weyn ee fududeeyaha tababarka heysani karo waa hab-fikirka uu la yimaado - wuxuuna ku bilaabmaa marka uu qirto inuusan haynin jawaabaha dhammaan su’aalaha.”
Sophie Bruas, Tababare, CHC
Aqoon-is-weydaarsigii ugu horreeyay ma ahayn waxbarasho oo kaliya wuxuu ku saabsanaa ficil iyo waxqabad.
Hoggaamiyeyaasha hay'adaha waxaa lagu qalabeeyay xirfado, agab iyo qaab-dhismeed ay ku fududeeyaan aqoon-is-weydaarsiga labaad, taasoo xaqiijinaysa in waxbarashadu si toos ah ugu gudubto habka waxbaridda ee Barashada La-qabsanaysa.
Ka-qaybgalayaashu si iska random ah looma dooran — waxay ahaayeen dad si gaar ah loo doortay maadaama ay awood u leeyihiin inay si toos ah ugu dabaqaan waxa ay barteen shaqadooda maalinlaha ah, taasoo ka dhigaysa hanaanka mid degdeg u macno yeesha.
Fadhiyadu waxay ka faa’iidaysteen waxbarasho ku dhisan waayoaragnimo, iyaga oo fikrado u beddelay ficil ay ka muuqato is-xisaabin, dood, iyo ku-dhaqaaq dhab ah.
Tusaalooyinka la bixiyay si xeel dheer ayaa loo xushay si ay ugu habboonaadaan duruufaha ka-qaybgalayaasha, loona ixtiraamo aqoontooda iyo aragtidooda cilmiyeysan.
Wareegyada jawaab-celinta oo socday inta hawshu socotay ayaa xoojiyay waxbarashada, taasoo laga dhex helay su’aalo muhiim ah sida: “Waa maxay waxyaabaha aad ka faa’iiday?”, “Maxaad u sameyn lahayd si kale?”, iyo “Maxaa kaa hor istaagi kara hirgelinta arrintan?”
Mashruucan waxaa laga soo abaabulay bilowgiiba si uu ugu adeego xaaladaha isbedbeddelaya.
Fududeeyeyaasha tababarka waxay si firfircoon u muujiyeen u furnaanta isbeddelka — iyagoo si wadajir ah u sameeyay, u saxay, una la qabsaday habka hagidda iyo ajendaha, si ay si toos ah uga jawaabaan caqabadaha sida waqti kooban, aragtiyo cusub oo lama filaan ah, iyo u oggolaanshaha fursad loogu sii dhex baxo fahamka waxbarasho ee muhiimka ah ee ka-qaybgalayaashu ay soo bandhigeen.
Hagidda La-qabsiga: Dhegeysi, Isbeddel, iyo Barasho Waqti-dhab ah
Fududeeyayaashu waxay u wajahayeen naqshadaynta iyo aqoon-is-weydaarsiyada iyagoo maskax furan wata, waxayna ku daraan hababka jawaab-celinta waqtiga-dhabta ah si waxbarashadu u ahaato mid firfircoon oo ku habboon baahiyaha. Hoggaamiyeyaasha iyo ka-qaybgalayaashu si joogto ah ayaa loo hawlgeliyey, iyagoo isticmaalaya su’aalo is-xisaabin ah sida: Maxaad filaysaa iyo sababta aad ufilaysid saas? Maxaa ku niyad jabin kara? Maxaa shaqeynayo? Maxaa shaqeynenin ? Sidee baan u horumarin karnaa? Su’aalahan waxay abuureen mas’uuliyad ka mid noqoshada habka, waxayna xaqiijiyeen in dooduhu ay ahaadaan kuwo ku habboon, isla markaana kalsooni la dhiso.
La-qabsigu ma ahayn fikir dambe — waxay ahayd wax lagu dhisay bilowgii horeba.
Fududeeyayaashu waxay isla markiiba isu yimaadeen si ay u hagaajiyaan ajendaha, u beddelaan farsamada fududeynta, ugana jawaabaan baahiyaha ka-qaybgalayaasha. Isbeddelada waxay ahaayeen: beddelidda waqtiyada kalfadhiyada, isku dheelitirka aragtida iyo dhaqanka, iyo ku darista lahjadaha Soomaaliga.
Fududeyntu waa wax ka badan bixinta macluumaadka — waa maskax furnaan, fiiro, iyo dhegeysi. Waxay u baahan tahay in waqtiga-dhabta ah la is weydiiyo: Ma wali sax baa? Yaa ayey khuseysaa? Maxaa isbeddel u baahan, yaa samaynaya, goorma? Markay fududeeyayaashu ahaayeen kuwo dabacsan oo si degdeg ah uga jawaabaya, waxay ka dhigeen waxbarashada mid macno leh oo wax ku ool ah
Richard, ACTED Soomaaliya (Shaqaale Ajnabi ah oo ka tirsan Hay’ad Caalami ah)
Richard, ACTED Soomaaliya (Shaqaale Ajnabi ah oo ka tirsan Hay’ad Caalami ah)
Kalsooni Siinta Dhageystayaasha
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee barashada la-qabsanaysa waa kalsooni la’aanta fududeeyaha, taasoo sababta in si adag loo haysto ajendaha iyo qorshaha halkii laga dabooli lahaa baahiyaha cusub ee soo kordha. Dhibaatadu waxay tahay in la ogaado goorta la hagi karo kooxdu iyo goorta loo ogolaanayo in si qoto dheer loo baaro mawduucyada muhiimka ah.
Labadii aqoon-is-weydaarsi, awooddu waxay u muuqatay siyaabo kala duwan, taasoo saamayn ku lahayd sida doodo loo hagayo. Aqoon-is-weydaarsigii ugu horreeyay, awoodda ayaa noqotay furaha fahamka iskaashiga dhab ah.
Fududeeyayaashu tababarka waxay doorteen in aysan ka fogaannin mowduuca, balse ay uga faa’iideystaan is-dhexgalka waqtiga-dhabta ah si ay u sahamiyaan sida awooddu u saameyso iskaashi, go'aan gaarid, iyo wadaagista waayo-aragnimada. Habkan ayaa u suurtageliyay ka-qaybgalayaasha inay yeeshaan dood dhab ah oo ku saleysan waxa ay tahay in la helo iskaashi siman.
“Anigu ma aha oo keliya shaqaale hay’ad samafal oo u shaqeeya MCAN, balse sidoo kale waxaan ahay macallin. Barashada habka waxbarashada la-qabsiga waxay ii ahayd dhisid karti muhiim ah. Waxaan bartay xirfadaha fududeynta iyo wareegga waxbarashada, kuwaas oo iga caawin doona xiriirka aan la leeyahay ardaydayda.”
Naima Abdulkadir, Xubin Guddiga MCAN (Hay'ad Qaran)
Intii lagu guda jiray aqoon-is-weydaarsigii labaad oo ay kasoo qaybgaleen dhagaystayaal ballaaran oo kala afkaar duwan, wadahadalka ku saabsan awoodda wuxuu qaaday jihadii u gaar ah.
Fududeeyayaashu tababarka waxay dadaal dheeraad ah geliyeen sidii ay u ilaalin lahaayeen isu dheelitirka u dhexeeya dabacsanaanta iyo qaabdhismeedka, si codadka aan caadiga ahayn loo dhageysto loona ixtiraamo.
Waxay si xeel dheer u abuureen jawi oggolaanaya dood furan, iyadoo weliba la ilaalinayo nidaam ku fiilan si looga dhigo wadahadallada kuwo wax-ku-ool ah oo la isku halayn karo.
Markii ay habkooda u waafajiyeen nooca iyo baahida koox kasta, fududeeyayaashu waxay muujiyeen dabacsanaan xirfadeed oo horseeday barasho dhab ah iyo faham ku saabsan sida awooddu uga muuqato ficil ahaan.
Kalsoonida iyo khibraddu waxay fududeeyaan la-qabsiga, iyado kalsooni la siinaya dhageystayaasha.
Marka kuwa wax baranaya ay qaabeeyaan wadahadalka, iyagaa noqda asaaska barashada, waana taas waxa ay aragtida cilmiyeysan dhab ahaantii ka dhigan tahay.
Sheekooyin kale
ISKAASHI
Iskaashigu ma aha oo keliya in la wada shaqeeyo, waa in dadka saxda ah lagu soo daro wadahadallada saxda ah waqtiga ku habboon si loo xalliyo caqabadaha adag.
DEEGAAN DHIIRRIGELIYA
Jawi dhiirrigeliya wuxuu aqoonta qarsoon ee shakhsiga u beddelaa ficil wadajir ah, isagoo abuuraya xaalado ku habboon in aragtiyaha la wadaago, la tijaabiyo, lana hirgeliyo.
SHURAKADAAN
Mashruucan waxaa si wadajir ah u taageeray Xarunta Hal-abuurka Bani’aadamnimada ee Boqortooyada Ingiriiska (UK Humanitarian Innovation Hub – UKHIH), iyadoo maalgelintu ay ka timid Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UK (UK International Development).
Mashruucan waxaa lagu fuliyey iyada oo lala kaashanayo shuraakadayada waxbarasho ee Soomaaliya, oo kala ah: GREDO, MCAN, SADO, REACH, IMPACT, iyo ACTED Somalia.
