ABUURISTA ISKAASHIGA
ISKU KEENIDA DADKA KU HABBOON IYO UJEEDOOYINKA SAXDA AH WAQTIGII KU HABBOONAA
Iskaashigu wuxu horumara marka dadkii ku habboonaa ay isugu yimaadaan waqtigii munasabka ah iyo ujeeddooyinkii ku habboonaa, iyadoo la isticmaalaya khibrad cilmiyeed taas oo abuureysa fikrado cusub iyo in dhaqangelintu ay u tahay udub dhexaadka habkan.
Mashruucan wuxuu abuuray saameyn aad u baaxad weyn, isagoo dhiirrigeliyay barasho iyo aqoon waxbarashed la taaban karo, taasoo xaqiijisay in iskaashigu uusan ahayn kaliya in la wada shaqeeyo, balse uu yahay in si cusub loo fikiro lana adeegsado aragtiyo wanaagsan oo laga bartay waayo-aragnimada.
Halkii aan ku tiirsanaan lahayn qaab socod kii hore ee laga gudbay, waxaanu door bidnay in aanu xoogga saarno aragtiyaha cusub ee wax ku oolka ah e badali kara kuwii aanu horay ugu soo shaqeyn jirnay kuwas oo abuuraya saameyn ka badan kuwii hore iyo in qof waliba si xor ah ugu wadaagi karo aqoontiisa, in ka baxsan iskaashiyada ku saleysan maalgelinta kaliya.
Aqoon-isweydaarsiyadu waxay xoojiyeen habkan iyaga oo diiradda saaraya dhisidda kalsoonida, dhegeysiga firfircoon, iyo isticmaalka khibrad cilmiyeed.
Hoggaamiyayaashii hay'adaha kaso qeyb galay waxay door muhiim ah ka ciyaareen ka qayb qaadashada toosinta iyo kuso biirinta fikirado kuwaas oo qaabeeyey doodaha isla markaana hubiyey in aqoontu ay noqoto mid wax ku ool ah oo la adeegsan karo.
Qaabka loo diyaariyey siminaaradan waxay meesha ka saartay caqabadihii ka abuurmi lahaa isfaham waa laakiin badalkeedu abuurtay doodi ku saleysan isfahan iyo cilmi isweydaarsi sameyey isbadal dhaba.
Fududeyayashu tababarka waxay sahlen in si fiican laisku dhageysto, iyagoo u diyaariyey siminaarka qaad qofka ku dhalinaya inuu bananka uso saaro fikiradaha wanaagsan ee isaga ka dhex guuxaya taas oo fududeysay in si wacan la iskaga faaideysto.
Iyadoo la abuurayo xaalado aad ugu haboon is dhaafsiga fikirado cilmiyeysan, siminaarkan wuxuu furay albaabo badan oo abuuray wadashaqeyn dhalisay isbadal la taaban karo.
Dadka ku haboon, Sababaha Saxda ah Iyo Waqtiga Saxda ah.
Iskaashigu ma aha oo kaliya in la wada shaqeeyo waa in la isu keeno dadka ku habboon oo sameyn kara wada sheekaysiyo sax ah, waqtigii ku habboonaa, si loo xalliyo caqabadaha adag. Marka hay’aduhu ka gudbaan kaliya wadaagga xogta una gudbaan dhegeysi firfircoon, abuurista xalal wadajir ah.
Iskaashigu wuxu kobcaa marka dadka saxda ah la keeno, ma aha oo kaliya wejiyada la yaqaan, balse waa codad kala duwan oo leh khibrad dhab ah. Halkii aan iska raaci lahayn xiriirradii hore u jiray, waxaan diiradda saarnay cidda haysatay aqoonta runta ah ee muhiimka ah. Ka-qaybgalka ma ahayn kaliya in la buuxiyo shuruud; wuxuu ahaa abuurista meel ay ku kulmaan dad awood u leh inay su’aal geliyaan mala-awaalka, keenaan aragtiyo cusub, kuna saameeyaan go’aanada si ka ballaaran sidii iskaashi maalgelin wadaag ahi u suurto-gelin lahaa.
Waxay sidoo kale u suurtagashay ka-qaybgalayaashu inay naftooda u arkaan si ka baxsan iskaashiyo lagu qeexay maalgelin iyagoo diiradda saaraya aragti mideysan, himilo iyo yoolal wadajir ah. Tani waxay iskaashiga ka dhigtay wax ka badan wada shaqeyn waxay noqotay hab cusub oo feker, la-qabsasho deg-deg ah, iyo wax-kaqabasho caqabado adag iyadoo la adeegsanayo aragti cilmiyeysan.
Margot Charles – Agaasimaha Dalka, ACTED Soomaaliya (Hay'ad Caalami ah)
Margot Charles – Agaasimaha Dalka, ACTED Soomaaliya (Hay'ad Caalami ah)
Eeg Meelaha Ka Baxsan Caadiga – Ku martiqaad codad cusub, adigoo aan ku ekaan wejiyada la yaqaan oo kaliya.
Khibraddu Waa Muhiim – Keena dadka leh aqoon toos ah iyo waayo-aragnimo dhab ah.
Ka Qaybgelin Dad Leh Khibrado Kala Duwan – Isku keen xirfadlayaal ka kala yimid meelo shaqo oo kala duwan
Kor u Qaad Fekerka Cusub – Xullo dad ka fikira si qoto dheer oo kobciya aragtiyaha jira.
Mudnaanta Sii Barashada – Xullo dad furfuran oo diyaar u ah in ay dhegeystaan, aqoontooda la wadaagaan, isla markaana tijaabiyaan fikradaha cusub.
Aqoon-isweydaarsigii labaad wuxuu isugu keenay hoggaamiyeyaasha shanta hay’adood iyo shaqaale si taxaddar leh loo soo xulay oo ka kala socday heerar kala duwan. Laga bilaabo bilowgii, waxaan xoogga saarnay dhisidda kalsooni—ma ahayn oo kaliya in la is baro si shuruud loo buuxiyo.
Qaybtii hore ee aqoon-isweydaarsiga oo socday laba maalmood waxaa si gaar ah loogu talagalay in lagu jebiyo caqabadaha isfahamka, lagu dhiirrigeliyo dhegeysi firfircoon, lana fahamsiiyo ka-qaybgalayaasha qiimaha ay leedahay aqoonta qarsoon marka go'aamo dhab ah la gaarayo.
Anagoo abuurnay meel lagu wadaagi karo si daacad ah, waxaan dhidibada u taagnay iskaashi qoto dheer iyo saldhig adag oo lagu horumarin karo Barashada La-qabsiga leh (Adaptive Learning).
Sida Aan U Dhisnay Iskaashi Wax-ku-ool ah:
Aqoon-isweydaarsi Fool-ka-fool ah
Si loo xoojiyo isdhexgalka iyo fikrad isdhaafsiga.
Isticmaalka Kumbiyuutarro iyo Telefoonno oo La Xadiday
Si loo yareeyo mashquulka loona saaro xoogga hawsha.
Miisaska oo La Baajiyay
Si loo abuuro goob wada sheekaysi furan.
Adeegsiga Luqadda iyo Lahjadaha Gaarka ah
Si loo dhiirrigeliyo muujinta fikradaha si xor ah.
Xaaladaha Saxda ah: Diyaarinta Goobta Barashada iyo Isbeddelka
Kahor aqoon-isweydaarsigii ugu horreeyay, waxaan si dhow ula shaqeynay kooxaha hoggaanka si aan u abuurno xaaladaha ku habboon barasho macno leh. Waxaan sameynay wicitaanno shaqsi-yaqaan ah oo aan la yeelanay koox kasta oo hoggaamineed, annagoo hubinayna in ujeedooyinka Barashada La-qabsiga ay yihiin kuwo khuseeya isla markaana si degdeg ah loo adeegsan karo.
Hoggaamiyayaashu waxay ka qayb qaateen qaabaynta ajendaha bilowgii iyagoo isku xiray mowduucyada barashada iyo caqabadaha dhabta ah, dooranay kaqaybgalayaasha ku habboon, kuna sameeyay qaabab wax ku ool ah oo lagu dabaqi karo aragtiyaha la helay.
Mohamed Hussein – Agaasimaha Guud, SADO (Hay’ad Qaran)
Mohamed Hussein – Agaasimaha Guud, SADO (Hay’ad Qaran)
Aqoon-isweydaarsigii labada maalmood socday ee hoggaamiyeyaasha wuxuu ka koobna saddex ujeedo oo muhiim ah:
Abuuridda xaaladaha ku habboon barashada
Dhisidda kalsooni, furan, iyo ka go’naanta wadajirka ah ee adeegsiga aqoonta qarsoon.
Ka dhigista barashada mid la adeegsan karo xaaladaha dhabta ah
iyadoo xoogga la saarayo xalinta dhibaatooyinka muhiimka ah ee jira, ee aan ku koobnayn aragtiyo guud.
Horumarinta hoggaaminta ku saabsan fududeynta adeegsiga aqoonta waayoaragnimo ku dhisan
Hoggaamiyayaashu hay'adaha waxay wax ku barteen falcelin iyo tijaabin iyado laguna dabaqo barashada ku saleysan waayo-aragnimada
Kobcinta Hawlgelinta Barayaasha:
hoggaamiyayaashu waxay noqdeen naqshadeeyayaal wadajir ah, barayaal, iyo fududeeyayaal—kuwaasoo hogaaminayay doodaha, dejinayay mudnaanta, iyo xallinayay caqabadaha sida waqtiga oo kooban.
Kanaalada isgaarsiinta furan, oo ay ku jiraan WhatsApp, waxay ka dhigeen ka-qaybgalka mid firfircoon inta u dhexeysa kulamada. Iyada oo geeddi-socodka la qaabeeyey, hoggaamiyayaashu waxay qaateen masuuliyadda habka barashada, taasoo ka dhigtay wax ka badan aqoon-isweydaarsi kale—waxayna noqotay saldhig isbeddel dhab ah.
Abuuridda Meel Lagu Wadaago Aqoonta Si Wadajir Ah
Luqaddu waxay noqon kartaa caqabad barashada ama albaab furan.
Si loo hubiyo in qof walba si buuxda uga qayb qaato, qabanqaabiyayaashu waxay waqti ku qaateen fahamka luqadaha la doorbiday, waxayna abuureen meel ay dadka ku wadaagi karaan afkooda ay ku raaxaystaan.
Arrintan kuma koobnayn turjumaad kaliya; waxay ahayd in la xaqiijiyo in is-weydaarsiga aqoontu noqdo mid dabiici ah, daacad ah, oo la heli karo.
Sida loo diyaariyey goobta aqoon-isweydaarsiga ayaa sare u qaaday furfurnanta.
Kuraas ama miisas abuurto ciriri iyo kala fogeyn waxaa la doorbiday in loo fariisto qaab koobaabo oo abuurtay ka-qaybgalayaashu in ee muujinaya isku xirnaan iyo barasho wadajir ah.
Dhaqdhaqaaq ayaa la oggolaaday, waxaana ka-qaybgalayaashu si buuxda ula wareegeen goobta, taasoo xaqiijisay in barashadu tahay hab firfircoon oo wadajir loo abuuro.
Farsamooyinka hagidda waxay xoogga saareen sidii loo heli lahaa ka mid noqoshada iyo hawlgelinta dadka
Shaqo labo-labo ah, doodaha kooxo yaryar, iyo su’aalaha furan ayaa dhiirrigeliyay ka fiirsasho, qoto-dheeri ku samaynta wada hadallada, iyo kordhinta ka qaybgalka dadka aan ku raaxaysan kooxaha waaweyn.
Fududeeyayaashu waxay tusaale u noqdeen dhegeysi firfircoon iyagoo ka hadlaya ka yar ka qaybgalayaasha (30/70% waqtiga hadalka waa xisaab wax ku ool ah oo la xusuusto), waxaana la isticmaalay agab muuqaal ah sida sawirrada si loo kiciyo aragtiyo cusub.
Kooxaha si ula kac ah ayaa loo isku dhex daray iyagoo isugu keenaya deegaano kala duwan, khibrado, jinsiyo, iyo asalka ururada si codadka kala duwan ay u qaabeeyaan wada hadalka iyo mararka qaar dood caafimaad qabta.
Diyaarinnta meel si taxadar leh loogu abuuray dadka inay ku dareemaan nabadgelyo ay ku hadlaan, ku dhegeystaan, oo fikradohooda ku soo gudbiyaan.
Aqoon-isweydaarsiyadu waxay suurtogal ka dhigeen is-weydaarsiyo qoto dheer oo macno badan abuuray taas ka dhalisay in mesha laga faaido aqoon la socoto waayo aragnimo.
Emily Chepng’etich, SADO (Shaqaale Hay’ad Qaran)
Emily Chepng’etich, SADO (Shaqaale Hay’ad Qaran)
SHEEKOOYIN KALE
DEEGAAN DHIIRRIGELIYA
Jawi dhiirrigelinaya wuxuu aqoonta qarsoon ee qofka u beddelaa ficil wadajir ah, isagoo abuuraya xaalado ku habboon in aragtiyaha la wadaago, la tijaabiyo, lana hirgeliyo.
LA -QABSASHO
La qabsigu ma aha oo keliya in wax la beddelo, waa in la ahaado mid si firfircoon uga jawaabaya duruufaha dhabta ah ee nolosha.
SHURAKADAAN
Mashruucan waxaa si wadajir ah u taageeray Xarunta Hal-abuurka Bani’aadamnimada ee Boqortooyada Ingiriiska (UK Humanitarian Innovation Hub – UKHIH), iyadoo maalgelintu ay ka timid Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UK (UK International Development).
Mashruucan waxaa lagu fuliyey iyada oo lala kaashanayo shuraakadayada waxbarasho ee Soomaaliya, oo kala ah: GREDO, MCAN, SADO, REACH, IMPACT, iyo ACTED Somalia.
