DEEGGAAN WAXBARASHADA KOR U QAADAYA

KA DHIGIDDA ARAGTIDA MID FULIN AH: AWOODDA JAWI SAHLAYA IS-BEDDELKA

dry land dry land

Jawi fududeeya barashada wuxuu aqoonta khibradeed ee qofka ka dhiga mid fikirka u badala ficil, isagoo u suurta galineyso fursad uu ku tijaabiyo, ku xaqiijiyo, kuna hirgeliyo aragtiyo qiimo leh.

Aragtiyaha ku dhisan waayo-aragnimo, dareen iyo tababar joogto ah ayaa mararka qaar adag in la cabbiro, laakiin waa lama huraan si loo gaaro go’aamo isbeddel u adkaysi leh.

Marka hay'adaha mudnaanta siiyaan wada hadal furan, kalsooni, iyo barasho isbeddel la jaanqaadaysa, waxay furaan aqoontan qarsoon, taasoo u suuragelisa kooxaha inay hagaajiyaan istaraatiijiyadooda, su’aal geliyaan mala-awaalka, kana jawaabaan caqabadaha adag si wax ku ool ah.

Hoggaamiyeyaashu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kobcinta dhaqankan, iyagoo abuura meel barasho, dhiirrigeliya ka-fiirsasho, kana shaqeeya in aqoonta kaliya ku ekaan hadal balse si firfircoon loo adeegsado.

Xoojinta awoodaha fududeynta, hagidda, iyo tababarka waxay gacan ka geysaneysaa in barashadu ku dhex milanto shaqada maalinlaha ah, taasoo ka dhigaysa is-weydaarsiga aqoonta mid dabiici ah oo joogto ah.

Aqoon isweydaarsiyada ku saleysan aqoonta ku dhisan khibrad iyo barasho dabacsan waxay xoojiyeen mabda’a barashada wadajirka ah, fikirka hoggaaminta, iyo wax ka beddelka degdegga ah ee habka shaqada.

Hoggaamiyeyaashu hay'adaha ma ahayn ka-qaybgalayaal kaliya—waxay si firfircoon u fududeeyeen doodaha, waxayna la-shaqeeyeen qorsheynta kalfadhiyada, iyagoo ku tababaranaya abuurista deegaan barasho oo dhiirrigeliya kooxahooda dhexdooda.

Iyadoo la adeegsanayo habab sida FIND [Raadin(Find), Waydiin(Inquire), Ogaansho (Notice), Fulin(Do)], aqoon isweydaarsiyada waxay qaabeeyeen barasho si ay u muujiyaan aragtiyo aan hore loo sheegin, u su’aal geliyaan mala-awaalka jira, ugana dhigaaan aqoonta qarsoon fal wax ku-ool ah.

Habkan wuxuu muujiyay in barashada la-qabsiga aanay ku salaysnayn raacista qaab adag—balse ay tahay in si dabacsan loola falgalo, khibradda nololeed la qiimeeyo, lana xaqiijiyo in aqoonta qoto dheer ee mararka qaar qarsoon ay horseedo isbedel macno leh.

Aqoontaada waxay caawin kartaa kuwa kale — haddii aad si furan u wadaagto.

Aragtiyada cilmiyeed ee ka dhalato khibrada, ka-fiirsashada, iyo dhaqangelinta waxay qiimo u leeyihiin qofka, balse awooddooda dhabta ah waxay ku jirtaa in la wadaago lana isticmaalo.

Ka faa’iidaysiga Khibradda Maxaliga ahHay’ad caalami ah ayaa ku dhibtoota inay gaarto kooxaha la takooray ee ku nool deegaano aan sahlaneyn in la gaaro. Halkii ay ku tiirsanaan lahayd kaliya qiimayno dibadda laga soo qaaday, shaqaalaha hay'adas caalamiga ah waxay si toos ah ula xiriiri karaan shaqaalaha qaran kuwaas oo ku jira hay’adooda iyo hay’adaha iskaashatada ah iyo sidoo kale kooxaha xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Xidhiidhkooda qoto dheer ee bulshada ayaa bixiya aragtiyo muhiim ah oo dib u habeyn ku sameeya istiraatiijiyadda gaarsiinta, iyadoo la dhisayo kalsooni lana hagaajinayo helitaanka adeegyada.

Deegaanka Saxda ah ayaa Aragtiyada Shaqsiga ah u Beddela Ficil Wadajir ah.

Beddelidda aqoonta qarsoon ee qofka u gaarka ah si ay u noqoto aqoon wadajir ah oo la heli karo oo faa’iido u leh go’aan qaadashada waa suurtagal marka ay jiraan xaalado dhiirrigeliya, sida kheyraad, taageerada hoggaaminta, iyo awoodaha barashada la qabsiga si loo sii wado habkaas.

Marka hay'adaha abuuraan xaaladaha ku habboon, aragtiyuhu ma ku koobnaadaan maskaxda shaqsiyaadka; waxay dhex maraan kooxaha, sameeyaan go’aanno ka wanaagsan, oo horseedaan isbeddel dhab ah. Tan waxay dhacda marka hoggaamiyayaashu u furaan barashada, kooxuhuna ka dhigaan milicsiga qayb ka mid ah hawl maalmeedkooda, shaqsiyaadkuna helaan kalsooni ay ku su’aal geliyaan mala awaalka isla markaana ku kalsoonaadaan khibraddooda nololeed.

"Waxaan tababarkan ka jeclaa habka fadhiiga oo si fiican loo habeeyey, waxa nalaga qaaday dhammaan wax walba oo na mashquulin kara, taasna waxay noo saamaxday inaan si buuxda uga qayb galno kalfadhiyada."

Mohammed Jeyte, SADO (Shaqale, Hay'ad Qaran)

Xaalad: Isku-dubaridda Gurmadka Abaaraha
Hay’ad qaran iyo hay’ad caalami ah ayaa si wadajir ah uga jawaabaya xaaladda abaarta. Halkii ay mid walba kaligeed uga shaqeyn lahayd, waxay qabtaan kulammo wadajir ah oo joogto ah, halkaas oo shaqaalaha goobta si furan uga wadaagaan caqabadaha ay la kulmayaan waqtiga-dhabta ah. Iyagoo dhisaya kalsooni iyo wada-hadal furan, waxay dib u eegaan qorshayaasha qaybinta iyagoo tixgelinaya jawaab celinta bulshada, taasoo xaqiijineysa in gargaar degdeg ah gaaro dadka ugu baahan.

Aqoonta cilmiyeysan (tacit knowledge) waxay si fiican u kobcdaa marka la abuuro deegaan dadka ku dhiirrigeliya inay si nabdoon u wadaagaan, fikradaha iska hor yimaada ay ka doodaan, oo ay waayo-aragnimadooda isdhaafsadaan. Sameynta xaalado ku habboon ayaa ka dhigta isweydaarsiga aqoonta mid sahlan, macno leh, isla markaana ficil ahaan loo adeegsan karo. Waxyaabaha muhiimka ah waa:

HOGAAMINTA – ABUURISTA MEEL KU HABBOON BARASHADA

Hoggaamiyayaashu waxay mas’uul ka yihiin in aqoonta waayo-aragtinimada ku dhisan ay faafto ama ay ku xayiranto meel gooni ah.

Deegaan dhiirrigelinaya ma aha mid si kormeer sare loo maamulo, balse waa abuurista goob ay dadku ku dareemaan ammaan ay waayo-aragnimadooda la wadaagaan, fikradaha iska hor imanaya ka doodayaan, isla markaana aragtiyahaas u beddelaan ficil. Tani waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal aan kaliya amar bixin, balse si firfircoon u qaabeeya dhaqan oo:

Dhibaatooyinka loo arko fursado barasho, ma aha kaliya caqabado hawleed oo la xalliyo.

Xalaad: Halkii loo arki lahaa hawl dib u dhacday guul-darro, kooxda ayaa qabata kulan gaaban oo dib-u-eegis ah si ay u baaraan sababta dib u dhaca, waxa la beddeli karo mar dambe, iyo aragtiyada laga faa’iideysan karo mashruucyo kale.

Hoggaamiyayaashu uma baahna inay haystaan dhammaan jawaabaha; guushu waxay ku xiran tahay awoodda kooxda inay isla fikiraan, isu hubeeyaan, oo wada xalliyaan caqabadaha.

Xalaad: Xubin kooxda ka mid ah ayaa shir ku soo bandhiga dhibaato, maamulaha halkii uu xal siin lahaa wuxuu waydiinayaa, “Maxay dadka kale ka qabaan?” Tani waxay kooxda ka qaybgelinaysaa xalinta dhibaatada iyadoo la wada leeyahay masuuliyadda xalalka.

Su’aalaha daacadda ah ee furan ayaa ah dhaqan joogto ah, iyadoo la soo dhaweynayo aragtiyo kala duwan oo loo arko inay muhiim u yihiin hagaajinta go’aamada.

Xalaad: Inta lagu jiro kalfadhiga qorsheynta istiraatiijiga, qabanqaabiyaasha waxay ka codsadaan ka soo qeybgalayaasha inay su’aalo ka keenaan fikradaha hore iyagoo weydiinaya, “Maxaanan tabanin?” waxaana la siinayaa miisaan isku mid ah aragtiyada shaqaalaha hoose iyo kooxaha hawlgalka go’aan qaadashada.

Hajir Hussein, REACH Soomaaliya (Shaqaale Deegaan ah oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee REACH)

Hajir Hussein, REACH Soomaaliya (Shaqaale Deegaan ah oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee REACH)

Khayraadka Lagu Taageerayo Kala-saaridda Aqoonta cilmiyeysan.

Ka faa’iidaysiga Khibradda mar walba maaha in kheyraad dheeraad ah loo baahdo—balse waxaa loo baahan yahay ujeeddo iyo dadaal joogto ah.

Marka lagu daro hawlaha hadda jira, is-weydaarsiga aqoontu wuxuu noqdaa qayb dabiici ah oo ka mid ah shaqada hay'adaha, ma aha hawl dheeraad ah. Kulanada caadiga ah, booqashooyinka wadajirka ah ee goobaha shaqada, dib-u-eegisyo waqti go’an, iyo wada-shaqeyn maalinle ah waxay noqon karaan fursado waxbarasho oo muhiim ah marka si nidaamsan loo habeeyo is-weydaarsiga furan.

Xalka ugu muhiimsan waa in hababka jira laga dhigo kuwo ka waxtar badan iyadoo la:

Baridda kooxaha iyo hoggaamiyayaasha sidii ay aqoonta isdhaafsiga ugu dhex dari lahaayeen waajibaadkooda.

Xalaad: Maareeyaha barnaamijka ayaa kulan kasta oo kooxeed ku daray shan daqiiqo oo ka fikir ah, isagoo weydiinaya, "Waa maxay hal wax oo aan usbuucan baranay oo dadka kale ay muhiim tahay inay ogaadaan?

Adeegsiga farsamooyin nidaamsan oo kor u qaada soo bandhigidda aragtiyo inta lagu guda jiro wada-hadalada.

Xalaad: Intii lagu guda jiray dib-u-eegis saddex-biloodle ah, fududeyaha shirkas, ayaa kooxaha weydiinaya su’aalo furan sida, "Waa maxay caqabadaha soo baxay, sideen u maareynay, maxaase aan mar kale si ka duwan u qaban karnaa?" halkii kaliya laga eegi lahaa himilooyinka.

Ka faa’iidaysiga tiknoolajiyada si loo helo wada-shaqeyn dhijitaal oo aan kala go’ lahayn.

Xalaad: – Qolalaka WhatsApp ka ayaa u suurtogelinaysa shaqaalaha goobaha inay si dhaqso leh ula wadaagaan xogta markas ah, taasoo lagu gorfeeyo wicitaanno bille ah oo joogto ah si loo ogaado isbeddellada iyo waxyaabaha laga bartay.

Hagaajinta habraacyada jira si loo hubiyo in aqoonta la isticmaalo, aan kaliya la wadaagin.

Xalaad: Marka gurmadka degdegga ah la dhammeeyo, kooxuhu hay'adaha waxay diiwaangeliyaan casharrada muhiimka ah isla markaana waxay dejinayaan tallaabooyin cad oo lagu darayo aqoontaas qorshayaasha xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka.

U beddelidda is-dhexgalka maalinlaha ah fursado waxbarasho iyo la-qabsasho.

Ujeeddadu ma aha in la kaydiyo aqoonta ku saleysan khibradda si gooni gooni ah, balse waa in la abuuro jawi ay si dabiici ah ugu socoto uguna faa’iideyso shaqada iyo go’aan qaadashada.

Xoojinta Awoodaha Barashada La Qabsiga

Wadahadallo Wanaagsan, Go’aan-qaadasho Wanaagsan, Saameyn Adag

Barashada la-qabsiga waxay shaqeysaa marka falanqeyn, fududeyn, iyo fikir qoto dheer lagu dhiso hab-dhaqannada maalinlaha ah—ee aan loo arkin howlo gaar ah. Hay’aduhu waxay tan ku gaaraan iyagoo barashada ku lifaaqaya go’aan-qaadashada; kooxuhu waxay ka dhigaan milicsiga wax joogto ah; shakhsiyaadkuna waxay weydiiyaan su’aalo, una kalsoonaadaan waaya-aragnimadooda.

Xoojinta kartida hay’adaha ee dhanka fududeynta, la-talinta iyo hagista waxay xaqiijisaa in aragtiyaha aan la arkin oo keliya, balse si toos ah loogu adeegsado isbeddel dhab ah.

Lena Cherotich, Fududeeyaha Aqoon-is-weydaarsiga CHC

  • Heerka Hay’adaha: Hoggaamintu waxay ka dhigtaa milicsiga mid qayb ka ah go'aan qaadashada, iyadoo si joogto ah loogu dhegeysto waayo-aragnimada dadka ka shaqeeya safka hore. Siyaasad dabacsan, sida Maalgelin la qabsasho leh , waxay u suurtagelisaa kooxaha inay uga jawaabaan duruufaha isbeddelaya.
  • Heerka Kooxda: Shirarka maalinlaha ah waxaa lagu daraa warbixino kooban, si waxbarasho iyo ficil isugu xirmaan. Fududeynta xirfadeysan waxay fursad siisaa dhamaan xubnaha inay codkooda ku yeeshaan go’aamada.
  • Heerka Shaqsiyeed : Shaqaaluhu waxay bartaan sida loo baaro fikradaha, loo su’aalo mala-awaalka jira, loona tixgeliyo aragtiyo kala duwan. Hagitaan joogto ah iyo tababar ayaa u dhisa kalsooni si ay u adeegsadaan khibraddooda si macno leh.
Xaalad: Wadahadal Furan oo Daacad ah Si loo dhiirrigeliyo isdhexgal iyo waxbarasho dhab ah, xafiiska waddanka ee hay'ada calamiga ah wuxuu sameeyay fadhiyo shaqo oo ay hogaaminayaan shaqaalaha laftooda. Kulamadan joogtada ah waxay furso sinayan meel ammaan ah oo lagu cabbiro wixii guul ah iyo caqabadaha. Nidaamkan furan wuxuu dhisay kalsooni, burburina xayndaabyada kooxeed, wuxuuna fududeeya go’aan-qaadasho wadajir ah.

Margot Charles – Agaasimaha Dalka, ACTED Soomaaliya (Hay'ad Caalami ah)

Margot Charles – Agaasimaha Dalka, ACTED Soomaaliya (Hay'ad Caalami ah)

Abuuridda Xaaladaha: Sidaan U Adeegsannay Barashada Qarsoon ee Naqshadeynta iyo Fulinta Aqoon-isweydaarsiga

Richard Erskine iyo Elisabeth Trautman, oo ah cilmi-nafsiyaqaano, waxay tilmaameen siddeed baahi oo xiriirineed oo saameeya sida ay dadka u bartaan, u wada shaqeeyaan, uguna falgalaan dadka kale. Marka baahiyahan la daryeelo, qofku wuxuu dareemaa badbaado, qiimo, iyo dhiirigelin uu ku bixiyo waxqabad taasoo muhiim u ah barashada waxtarka leh iyo fikirka dabacsan ee la jaanqaadaya isbeddelka.

Abuuridda Xaaladaha: Fududeynta Barashada Kooxeed iyada oo loo marayo Naqshad Ujeeddo Leh

Barashada runta ah ma timaaddo kaliya marka aad leedahay jadwal iyo su’aalo la diyaariyey. Waxay u baahan tahay meel dadku isku halleyn karaan, fikirkooda lagu qiimeeyo, oo ay wada dareemaan in la dhageysanayo.

Marka qofku dareemo in la aqoonsan yahay oo uu wax ku leeyahay hadalka, wuxuu u furfurnaanayaa inuu su’aalo waydiiyo, aragtiyo cusub keenno, oo la wada shaqeeyo si xal loo helo.

Aqoon-isweydaarsiyadu waxay si ujeedo leh u adeegsadeen hababka sida FIND iyo hab-fududeed dabacsan si loo helo barasho dhab ah—mid ku saleysan waayo aragnimo, loona wado si wadajir ah.

Hoggaamiyeyaasha hay'adaha markii laga dhigay hogaamiye-barayaal, halkii ay ahaan lahaayeen dhagaystayaal keliya, waxay dhiseen kalsooni, wax wada qabsi, iyo awood wax-ka beddel waqtigaas la joogo.

Xoojinta Hoggaaminta si Loo Horumariyo Naqshad-Wadaagga Aqoon-Isweydaarsiga ee aqoonta qarsoon

Mashruucan waxaa loogu talagalay hoggaamiyeyaasha hay'adaha inay ku bartaan ficil ahaan, iyagoo arkaaya waxa ka caawiya barashada qarsoon isla markaana abuuraaya jawi ku habboon kooxahooda. Ka qaybgalayaashu waxay xooga saareen laba mawduuc oo muhiim ah: iskaashi iyo Gaarista. Naqshad-wadaaggu wuxuu ku lug lahaa la shaqeynta kooxda maamulka sare (Senior Management Team, SMT):

Naqshad wadaag si loo helo taageero iyo lahaansho: La-tashigii hore ee lala yeeshay kooxda sare ee maamulka (SMT) wuxuu dhacay laba marxadood. Marka hore, kulan kooxeed ayaa lagu soo bandhigay ujeeddooyinka iyo habraaca aqoon-isweydaarsiga. Intaas kadib, wicitaano shaqsiyeed ay la yeeshen kooxda CHC si loo fahmo baahiyahooda, walaacyada, iyo rajada gaarka ah. Habkani wuxuu ka caawiyay SMT inay si diyaar ah ugu wajahaan barashada, maadaama ay horey ula falgaleen habka kahor inta aan la dhaqan gelin. Sidoo kale, SMT waxay la shaqeysay kooxda si wadajir ah loogu naqshadeeyo waxyaabaha muhiimka ah sida jadwalka aqoon-isweydaarsiyada iyo shuruudaha xulashada ka qaybgalayaasha, si ay ugu habboonaato baahiyaha iyo mudnaanta hay’adda.

Goob Ammaan ah oo Lagu Xoojiyo Ka-fiirsashada Hoggaamiyeyaasha: Aqoon-isweydaarsigii ugu horreeyay ee labo maalmood socday, kaas oo si gaar ah loogu talagalay hoggaamiyeyaasha, wuxuu siiyey meel nabdoon oo ay ku baaraan hababka ay wax u bartaan, fikradahooda, iyo caqabadaha ay la kulmaan marka ay isticmaalayaan aqoonta qarsoon. Waxay ka doodeen awoodaha, ka mid noqoshada, iyo xeeladaha lagu horumarin karo wada hadallo daacad ah—dhammaan iyadoo aan la cadaadin in la noqdo ‘sax’ ama ‘qalad.’

Habkani wuxuu kordhiyey fahamka hoggaamiyeyaasha ee barashada qarsoon ee hay’adahooda iyo iskaashiyadooda. Iyadoo la raacayo shuruudihii hore loo dejiyey, koox ballaaran ayaa loo soo xulay aqoon-isweydaarsigii labaad. Hoggaamiyeyaashu waxay si firfircoon uga qeyb galeen naqshadeynta aqoon-isweydaarsigaas, si loo hubiyo inuu yahay mid khuseeya oo dhaxalgal ah. Waxa kale oo ay diyaariyeen inay hormuud ka noqdaan doodaha, abuuraan jawi dhiirrigelinaya, oo ay dhegeystaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mowduucyada muhiimka ah.

Habkani wuxuu sii xoojiyey awooda hoggaaminta wuxuuna calaamad u yahay bilowga hoggaamiyeyaasha oo si muuqata uga shaqeynaya abuurista jawi barasho oo firfircoon.

Doodo ku saabsan awood qaybsiga inta uu socday aqoon-is-weydaarsigu

Doodo ku saabsan awood qaybsiga inta uu socday aqoon-is-weydaarsigu

Fududeynta Tababaradha iyo Hab Barasho oo Ardayga Ku Saleysan: Fududeyasha tababarka ayaa aqoon-isweydaarsiyada ku soo dhoweyay maskax furnan iyo diyaar garow isbeddel leh, ayagoo og in barashadu tahay hawl maraysa marxalado kala duwan. Intii kalfadhiyada socdeen, waxaa jiray fursado joogto ah oo lagu nasto laguna fikiro, si kaqeybgalayaashu u bixiyaan fikradahooda ku saabsan habka barashada.

Jawaab celintan ayaa si toos ah u hagta isbeddelada waqtiga-dhabta ah ee farsamooyinka fududeynta tababaradha, nuxurka aqoon-isweydaarsiga, iyo maamulka waqtiga. Marka isbeddel degdeg ah aan la samayn karin, fududeyaaluhu ee CHC waxay xiriir furan la hayeen kooxda sare ee maamulka (SMT) iyo kaqaybgalayaasha, iyagoo hubinaya hufnaan iyo kalsooni.

Habkan ku saleysan ardayga wuxuu ka dhigay kaqaybgalayaasha inay dareemaan in codkooda la maqlo lana qiimeeyo, taasoo xoojisay kaqaybgalka. Iyadoo si joogto ah loo waafajinayo baahiyaha isbedelaya, geeddi-socodku wuxuu isu beddelay tusaale cad oo muujinaya sida loo wadaago loona isticmaalo aqoonta qarsoon si wax ku ool ah.

Isticmaalka Hab Barasho oo Fudud oo Wax-ku-ool ah–HABKA FIND

In si degdeg ah xal loo raadiyo waxay ka fogeysaa fahamka qoto dheer; marka aan istaagno oo aan fahanno ayaa keena ficillo waxtar leh.

Habka FIND(Find, Inquire, Notice, Do): Diiradda saar, Weydii, Ogaaw, Samee—waa hab barasho oo nidaamsan, ula kac ah, isla markaana ka qeybgal ballaaran lagu hubiyo in aqoonta qarsoon la soo bandhigo, la wadaago, lana isticmaalo. Waxay ku saleysan tahay wareegga barashada ee Kolb. FIND waxay abuurtaa wareeg joogto ah oo ficil, fikir, iyo horumarineed. Waxay dhiirrigelisaa wada shaqayn, waxayna caqabad ku tahay mala awaalka, iyadoo qoto dheeraysa fahamka. Inta lagu guda jiro Aqoon-isweydaarsiyada, habkan ayaa ka caawiyey in la habeeyo doodaha, iyadoo la xaqiijinayo in aragtiyo kala duwan ay qaabeeyaan barashada iyo ficilka kooxeed.

Diiradda saar : Ka-qaybgalayaashu waxay adeegsadeen su’aalo hagid ah si loo caddeeyo mowduucyada barashada, iyagoo xaqiijinaya inay ku habboon yihiin xaaladda isla markaana ay ka turjumayaan aragtiyo kala duwan. Mowduuca ‘hagaajinta gaarista’ ayaa markii hore xoogga saaray caqabadaha hay’adaha, laakiin waxaa lagu balaariyay caqabadaha bulshada sida luqadda, xakamaynta awoodda, iyo arrimaha amniga.

Baadhitaan: Hababka fikirka qoto dheer ee ay ka mid yihiin tusaalooyinka, sawir gacmeedka, iyo ciyaaraha doorka ayaa ka caawiyey ka-qaybgalayaasha inay dib u eegaan mala-awaalkooda iyo inay eegaan mowduucyada si ka duwan.

Notice: Ka-qaybgalayaashu waxay qaateen waqti ay ku milicsadaan xogaha cusub ee soo baxaya, iyagoo weydiinaya sida faham cusub uu u saameynayo aragtidooda hore iyo cidda ay isbeddeladaasi taabanayaan.

Fulin: Waxa la xooga saaray sidii loo dabaqi lahaa aqoonta laga helay, iyadoo su’aalo loo adeegsaday in lagu ogaado fursadaha halkii laga fiirin lahaa caqabadaha. Ka qaybgalayaashu waxay aqoonsadeen khibradooda, kala-duwanaanta aqoonta aan la sheegin iyo kheyraadka, waxaana la isku raacay kulan dib-u-eegis ah si loo sahamiyo aqoonsiga, himilada, iyo yoolalka wadajirka ah.

Ladan Mohamed, GREDO (Shaqaale Hay'ad Qaran ah)

Ladan Mohamed, GREDO (Shaqaale Hay'ad Qaran ah)

SHEEKOOYIN KALE

ISKAASHI
Iskaashigu ma aha oo keliya in la wada shaqeeyo; waa in dadka saxda ah lagu soo daro wadahadallada saxda ah waqtigii ku habboonaa si loo xalliyo caqabadaha adag.

LA- QABSASHO

La qabsigu ma aha kaliya in wax laga beddelo, wuxuu ku saabsan yahay in si joogto ah loola falgalo caqabadaha dhabta ah ee jira.

SHURAKADAAN

Mashruucan waxaa si wadajir ah u taageeray Xarunta Hal-abuurka Bani’aadamnimada ee Boqortooyada Ingiriiska (UK Humanitarian Innovation Hub – UKHIH), iyadoo maalgelintu ay ka timid Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UK (UK International Development).

Mashruucan waxaa lagu fuliyey iyada oo lala kaashanayo shuraakadayada waxbarasho ee Soomaaliya, oo kala ah: GREDO, MCAN, SADO, REACH, IMPACT, iyo ACTED Somalia.